Shiinaha oo aan Saddex Maalmood Laga Helin Kiisas Cudurka Coronavirus

Published: March 22, 2020

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in saddex maalmood ee u dambeeyay aan dalkooda laga helin kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus.

Guddiga dowladda u qaabilsan la tacaalida cudurka waxaa ay sheeegeen in kiisaska la diwaangaliyay maalintii Khamiistii ee toddobaadkii hore oo ahaa 41 kiis laga helay dad dalka dibadiisa ka yimid.

Shiinaha ayaa ahayd xudunta uu ka soo faafay cudurka Coronavirus ama Covid 19,kaasi oo dalkaasi ku dilay 3,255 qof, halka uu ku dhacay dad ka ku dhow 10,0000 kun .

Guud ahaan caalamka, tirada dadka u dhintay cudurka ayaa gaaraysay 1,300 kun oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *