Afganista:50 Maleeshiyaadka Taliban Oo La Dilay

Published: March 23, 2020

Dowladda Afganistan ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay ay ciidamadu dileen 50 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Taliban oo uu ku jiro mid ka mid ah hoggaamiyayaashooda

Dowladu waxa ay sheegtay in 12 xubnood ay ku dishay Gobolka Kandahar, 8 kalena lagu dilay gobolka Helmand, halka  5 xubnoodna lagu dilay gobolka Zabul, dhammaantood goboladaasi waxay ku yaaleen koonfurta dalkaasi Afganistan.

Dhinaca kale, Labadii maalmood ee la soo dhaafay maleeshiyaadka Taliban waxay weeraro qorshaysan ku soo qaadeen saldhigyada milateriga Ciidamada Afganistan ee gobolada Zabul, Baglan iyo Kapisa, halkaasi oo ay ku dileen 40 xubnood ka tirsan Milateriga wadanka

Madaxweynaha Afganistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay weerarada Taliban, waxaana uu sheegay in dhacdooyinkii u dambeeyay ay tilmaamayaan inay Talibaan ka cagajiidayaan in xal nabadeed laga gaaro dagaalka Afganistaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *