Iiran oo Diiday Gargaar Bani’aadanimo oo uu ku Yaboohay Maraykanku

Published: March 23, 2020

Dowladda Iiraan ayaa diiday gargaar bani’aadanim oo Maraykanku ugu yaboohay dalkaasi oo dhibaato xoog lihi ay ka haysato Cudurka Coronavirus

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa ku tilmaamtay Madaxda Maraykanka Beenayaal, waxaana uu u sheegay inay ka qaadaan cunaqabataynta halkii ay gargaar ugu yaboohi lahaayeen

” Haddii aad doonaysaan inaad caawisaan Iiraan, Waxa kaliya dadka reer Iiraan u baahan yihiin waa in cunaqabataynta laga qaado, Kadibna waanu la tacaali doonaa faafitaanka coronavirus” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Iiraan oo telefishanka dadka kala hadlayay

Maraykanka ayaa ku soo rogay Iiraan Cuqabatayn lagaga hor-istaagay inay dibada u iibgayso Saliida ay soo saarto.

Ilaa 1700 qof ayaa dalkaasi Iiraan ugu dhintay cudurka Coronavirus, Cudurka ayaa sidoo kale ku dhacay dad ka adan 20 Kun oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *