Madaxii Hore ee Real Madrid oo u Dhintay Coronavirus

Published: March 23, 2020

Madaxweynihii hore ee kooxda Kubada Cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa maalintii sabtidii u geeriyooday cudurka Coronavirus ee Caalamka ku faafaya.

Mudane Sanz oo 76 jir ahaa ayaa madaxweyne ka soo noqday kooxda Real Madrid Sanadihii 1995 ilaa 2000, xiligaas oo uu ku guulaystay labo koob oo ah horyaalka horyaalada qaarada Yurub ee Champion League

“Hadda waxaa geeriyooday Aabahay Lorenzo Sanz, ma mudnayn in sidan noloshiisu ku soo afjaranto” Sidaas waxaa bartiisa twiterka ku soo qoray wiilkiisa Lorenzo Sanz Duran

Mudane Sanz waxaa lagu xasuustaa inuu kooxda Real Madrid keenay Xidigo waaweyn oo ay ka mid yihiin Roberto Carlos, Clarence Seedorf iyo Davor Suker. Kooxda waxaa kaloo u ciyaari jiray wiilkiisa Fernando Sanadihii muddo 4 sanno ah.

Doorashadii madaxtinimada kooxda oo dhacay Sanadkii 2000 ayaa waxaa kaga guulaystay Florentino Perez

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *