Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay xubno ka tirsan xildhibaano ka soo horjeeday doorashadii Galmudug.

Published: March 23, 2020

Waxaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug ee Dowladda Federaalka ah gar-wadeenka ka ahayd ee lagu doortay Axmed Qoorqoor.

Xildhibaan Saabir oo ka mid ah waftiga gaaray dhuusa-mareeb ayaa sheegay in Wadahadalo todobaadyadii u dambeeyay socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubnaha Mucaaradka la isku afgartay in dib u dib heshiisiinta deegaanka laga shaqeeyo dhinacyada salluugsanaa hannaankii doorashada madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo.

Waxa uu tilmaamey in wada-hadaladaas ay ka dhasheen in Guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb waxaana ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, waxaana Xildhibaannadan iyo Madaxweynaha Galmudug ka wada hadleen dardar hawlaha Galmudug, dib u heshiisiinta, xalinta tabashooyinka ka dhashay Doorashada, si iyadoo loo dhan yahay Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Galmudug looga qeyb galo.

Xildhibaannadan ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, iyagoo kala hadlay sidii looga shaqeyn dib u heshiisiinta wixii tabasho ee ka dhashay doorashadana loo xalin lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *