Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya oo hakisay adeegyadii ay qaban jirtay

Published: March 23, 2020

War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in la hakiyay dhamaan adeegyadii ay qaban jirtay safaaraddu laga bilaawo maanta oo ah Isniin, kadib amaro ka soo kala baxay dowaladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kuwaas oo ku aadan xakameeynta xanuunka inta badan dunida ku baahay ee cornovirus  covid19.

Safaradda ayaa sheegtay in ay u hogaansami doonto amarada dowlada Hindiya, si looga hortago xakamaynta caabuqa islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan wixii soo kordha muddada ay Safaraddu xiran tahay.

la-taliyaha labaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Hindiya Saliim Cabdullahi Cilmi oo guddoomiye ka ah guddi si dhaw ula socon doona haddii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku timado arrin deg deg ah, kana jawaabi doona cabashooyinkooda, ayaa sheegay in xaalada muwadiniita ay si dhaw Dawladoodu ula socon-doonto.

Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan dalka Hindiya iyo kuwa u yimaada Caafimaadka, ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa waxa saameeyay xanuunka corno virus oo kiisas badan ka mid ah ay ka jiraan dalka hindiya, guud ahaa waxaa la joojiyay aadista goobaha waxbarashada, sidoo kale ganacsatada joogta ayaan dalka ka bixi karin, dadka Soomaaliyed ee haysta fiisooyinka dal ku galka hindiya ayaan iaygu halkaas taggi karin,.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *