Taliyihii Saldhigga Booliska Afgoye oo qarax miino lagu diley.

Published: March 23, 2020

Magaalada Afgooye ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose waxaa weerar Qarax loo adeegsaday lagu Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow oo ahaa taliyihii saldhiga Afgooye iyo weliba ilaaladiisa oo lagu sheegay inay gaarayeen ilaa saddex askari.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha, waxaana uu sheegay in laamaha Ammaanka ay waddaan baaritaano. qaraxa ayuu sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxaysa Xaawo Cabdi Cabdi iyo Lafoole ee degmada Afgooye.

“Allaha u naxariisto Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Captian Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo Mujaahidiinti la socotay ee galabta ku shahiiday qarax argagixisada ay la eegteen gaari ay saarnaayeen, janada fardowso allaha ka waraabiyo Aamin Aamin” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *