Xubno Shabaab iyo Daacish lagu Tuhmay oo lagu Qabtay Bosaso

Published: March 23, 2020

Ciidamada Amniga Puntand ee PSF ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen xubno lagu tuhmay inay xubno ka yihiin Ururada Daacish iyo Alshabaab ee Puntland.

Howlgal ay xalay ciidamadu ka sameeyeen Magaaladda Bosaso ayay sidoo kale ku soo qabqateen Agab ay sheegeen in la doonayay in loo gudbiyo ururada Daacish iyo Alshabaab

“Ciidamadu waxay xalay (22 March 2020) gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat” ayaa lagu yiri qoraalka PSF oo la soo dhigtay bartooda facebooga

Ciidamada PSF kuma sheegin qoraalkooda tirada xubnaha ay qabqabteen iyo nooca agabka ay sheegeen inay u gudbinayeen Ururada Alshabaab iyo Daacish

https://www.facebook.com/PSFHQ252/posts/802293503598390

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Bosaso ka dhaceen dilal iyo Hoobiyayaal lagu tuuray xeryaha dowladda ee Magaaladda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *