Puntland oo Amartay in La Xiro Masaajidada iyo Dugsiyada Quraanka

Published: March 24, 2020

Wasaaradda cadaaladda Puntland ayaa amartay in labo toddobaad la xiro masaajidada Puntland si looga hortego cudurka coronavirus

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe waxaa uu sheegay in la xirayo dhammaan Masaajidada iyo dugsiyada quraanka lagu barto ee ku yaal goboladda Puntland.

Wuxuu ugu baaqay culumada iyo macalimiinta dugsiyada quraanka inay dhaqangeliyaan amarka ka soo baxay wasaaradda oo ay albaabada isugu laabaan masaajidada iyo dugsiyada.

Dowladda Puntland ayaa hore u fasaxday ardayda Dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha. Talaabadana ayaa dowladda uga gol leedahay inay lagaga hortego cudurka Coronavirus oo dad badan ku dilay Caalamka.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/504849140418206/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *