Shaqooyinkii Safaaradda Somalia ee Turkiga oo mudo hakad la geliyay.

Published: March 24, 2020

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu ayaa sheegtay in si rasmi ah mudo kooban loo joojiyay shaqooyinkii ay safaaradu u qaban-jirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed, (24-ka Bisha Maarso, ilaa 05-ta Bisha April ) ayaa la hakinaya shaqada Sababo la Xiriira ka hortaga Caabuqa CoronaVirus oo Saamayn ballaaran ku yeeshay dalalka Caalamka, iyadoo dalka Turkiga laga helay kiisas kor u dhaafaya 1000 ruux, isla markaana ay jiraan dad u geeriyooday Xanuunkaasi.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa tilmaamey in la hakiyey shaqooyinkii ay Safaaradda Soomaaliya u qaban jirtay muwaadiniinteeda iyadoo muhiimada koobaad la siinayo badqabka shacabka Soomaaliyeed, lana tixgelinayo tallooyinka dhinaca Caafimaadka ee dowladda Turkiga.

Waxaan kula talinayaa Bulshada Soomaaliyeed ee degan dalka Turkiga inay u hoggaansamaan tallooyinka Caafimaadka ee loo soo jeedinayo, aniga hada Guriga ayaan joogaa oo fariintan ka soo dirayaa, dhammaan dadka Soomaaliyeed waa inay taxadar weyn muujiyaan, oo aan loo arkin dad aan dhegaysanayn waanooyinka iyo tallooyinka kasoo baxaya Xukuumadda Turkiga”ayuu yiri Danjire Caydiid.

Dhinaca kale Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ugu baaqay inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee Dowladda Turkigu ay siisay, isla markaana ay ku Negaadaan/Joogaan Guryahooda, hadii aysan jirin howl aysan ka maarmi karin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *