Agaasimaha Madaxtooyada Nigeria oo Laga Helay Coronavirus

Published: March 25, 2020

Hay’ada xakamaynta cudurada Faafa ee Nigeria ayaa sheegtay inay cudurka Coronavirus laga helay Agaasimaha Madaxtooyada Abba Kyari,

Hay’adu waxay kaloo sheegtay in cudurka Coronavirus laga baaray Madaxweynaha Nigeria Maxamed Buhaari, natiijadii soo baxdayna ay noqotay in cudurka laga waayay.

Agaasimaha ayaa dhawaan waxaa uu booqasho ku tegay Wadamada Jermalka iyo Masar, halkaasi oo loo maleenayo inuu ka soo qaaday cudurka Coronavirus.

Hay’adu waxay kula talisay qof kasta oo la kulmay Agaasimaha inuu karantiil galo, islamarkaana uu iska baari cudurka Coronvirus.

Kiisaska cudurka ee laga helay wadanka Nigeria ayaa hadda gaadhay 42 Kiis

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *