Di’itaanka Roobabka Gu’ga oo ka bilaabmay Gobolka Karkaar-Puntland.

Published: March 25, 2020

Guud ahaan gobolada Puntland waxaa maalmihii lasoo dhaafay si wayn uga da’ayay roobabka Guga, Jawiga ayaana ahaa mid kulul maalmihii lasoo dhaafay, Deegaanada Puntland yaaa in badan oo ka mid ah waxa aya heeen roobkii gu’ga , Meelaha raxmadaas helay waxaa ka mid Magaalada Qardho iyo Nawaaxigeed. roobab da’ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ayaa saamayn ku yeeshay isu-socodka dadka iyo Ganacsigga .

Saaka ayaa lagu waaberiistay iyadoo wadooyinka ay jiifaa sidoo kalena qaarkood ay qul-qulayaan biyo tira-badan oo kasoo rogmaday dooxooyinka iyo buuraha ku hareeraysan Magaalada Qardho oo raxmad fiican helay.

Duqa Degmada Qradho Cabdi Saciid Cismaan ayaa sheegay in dawladu waddo dadaalo ay kula tacaalayso biya badan ee sanadkasta magaalada kusoo fatahma, waxa uus heegay in dhawr qorshe ay sameeyeen balse ay suurta-geliwaysa. shacabka ayuu ka codsaday in ay ilaaliyaan faya-dhawrka iyo cafimaadkooda.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in roobab fiican ay ka da’een degmooyinka Qardho, Shaxda, Waaciye, Bayla, Xubays iyo Xaafuun, waxa uu tilmaamey in wax khasaare ah uusan ka dhalan,Dadka reerguuraaga ah ayuu uga digay inay ku negaadaan meelaha khatarta ah sida doooxooyinka iyo Togaga maadama saadaasha cimiladu ay sheegayso roobab kale in ay soo socdaan.

\

                                                                             

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *