Gudigga soo diyaarinta doorashada gudoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la ansixiyay.

Published: March 25, 2020

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dhawaan la dhaariyaya ayaa fadhigooda maanta waxay ku ansixiyeen Guddiga soo diyaarinaya doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa.

89 Xildhibaan ayaa kasoo qeyb galay kulanka kuwaas oo meel-mariyay Guddi ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada ka mid ah oo soo diyaarinaya  doorashada guddoonka oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo.

Musharxiinta ugu cad-cad doorashada oo la filayo in uu tartanka ka qayb-galo ayaa waxaa ka mid ah safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Amb Fiqi, Ilo-xog ogaal ah ayaana sheegaya in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya aya si wayn u taageerayso musharaxaan.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *