Wasaarada Amnigga DFS oo ka jawaabtay eedayn uga timi Madasha Xisbiyada Qaran.

Published: March 25, 2020

Wasaaradda Amniga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed aya soo saartay waxay ku beenisay warka kasoo baxay madasha xisbiyada Qaradan, Dawlada aya waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymaha lagu xusay qoraalkaas kaasoo lagu sheegay in hey’adaha Amniga ay abaabuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaanu adkeyneynaa in Madaxweynayaashi hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweynayaal dalkaan ka soo samata bixiyay marxalada adah Qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah amnigooduna uu yahay waajib Qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkaan.

Saacado uun ka dib markii madashu ay soo saartay warsaxafadeedkaan ayay dawlada ka jawaabtay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *