Chad: Boko Xaram oo 98 Askari Dishay

Published: March 26, 2020

Kooxda xagjirka ah ee Boko Xaram  ayaa weerar ay ku qaadeen Fariisimo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Milateriga wadanka Chad waxay ku dileen 98 Askari.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Boma oo ku taalada Xuduuda wadada Nigeria iyo Niger maalintii isniintii ee toddobaadkan.

Madaxweynaha Chad Idiris Deby ayaa xaqiijiyay tirada askarta ku dhimatay weerarkaas, waxaana uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah.

Ururka Boko Xaram oo gashaanbuur la ah ururka ISIS ayaa 2009kii dalkaasi Nigeria ka bilowday weeraro Aragigixsio iyo afduubyo ah, weeraradaasi ayaa markii dambe ku fiday wadamada Niger, Cameron iyo Chad.

Ilaa 30,000 kun oo qof ayaa la aamisan yahay inay ku dhinteen weerarada Boko Xaram, sidoo kale ilaa saddex Milyan oo qof ayaa ku barakacay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *