Kenya ayaa xaqiijisay qofkii u horeeeyey ee dalkaasi ugu Dhinta cudurka Corona.

Published: March 26, 2020

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii u horreeyay uu ugu dhintay Cudurka Coronavirus dalkaasi.

Wasaaradu waxay ay sheegtay in qofka dhintay uu ahaa Muwaadin 66 jir oo ka soo laabtay dalka Koonfurta afrika 13 bisha Maarso

“qofka geeriyooday wuxuu ahaa muwaadin u dhashay wadanka Kenya oo 13kii bishan ka yimid dalka Koonfur Afrika, isagoo soo maraya Wadanka Swaziland” sidaas waxaa lagu yiri warsaxafadeedka ay soo saartay wasaarada caafimaadka kenya

Wasaaradu waxay kaloo sheegay in bukaanka u dhintay Cudurka Coronavirus uu qabay cudurka macaanka. Dalka Kenya waxaa la diwaangaliyay ilaa 30 Kiis oo ah cudurka Coronavirus.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabooyin ay kula tacaalayso faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna soo rogtay Bandow ka bilaabanaysao 7 fiidnimo ilaa 5 Subaxnimo.

HORSEEDMEIDA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *