Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay Xiriirka Dowlada iyo Hayadaha Maaliyada ee Adduunka.

Published: March 26, 2020

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey guusha ay dawladu ka gaartay barnaamijka Deyn Cafinta, waxa uu tilmaamey in uu ku faraxsan-yahay heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka loo wadi-lahaa, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay qorsheynayso in ay xubin buuxda ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency) oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

“Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna.

“Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.” ayuu yiri markale madaxweyne Farmaajo oo arinkaas ka hadlaya.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxwerynaha DFS ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *