Qoor-Qoor ”Galmudug cidkasta oo wax ku soo biirin karta taladeeda waan dhageysanaynaa”

Published: March 26, 2020

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay kulan qado-sharaf ah duleedka Dhuusa-mareeb ugu sameeyay xildhibaano ka tirsan BDFS, musharaxiintii kula tartamay xilka madaxweynaha Galmudug, iyo xubno kala oo ah siyaasiyiin iyo aqoon-yahan miisaan ku leh Galmudug.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa balan-qaaday inuu xallin doono tabashooyinkii ka dhashay doorashadiisa, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu istaagi doono sidii loo dhameyn lahaa loona xalin lahaa khilaafaadka jira, loona gaari lahaa dib u heshiisiin iyo isku duubni ay ku naaloodaan shacabka reer Galmudug.

Axmed Qoorqoor ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday wada hadalo uu la lahaa siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo qaadacay doorashadiisa, waxaana maalmahan Dhuusamareeb kula kulmay Xildhibaannada mucaaradka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug.

“Galmudug wejigii ay horay u lahaan jirtay oo aan u yeelno waji cusub ayaa balan-qaadeynaa, albaabadeyda waa furan yihiin, gacmaha aan is qabsano, haloo istaago Galmudugta cusub dhismaheeda, wadajirkeeda iyo isku duubnideeda” ayuu yiri Axmed Qoorqoor.

Waxaa uu sheegay in cid kasta oo Galmudug wax ku soo biirin karto taladeeda uu dhageysanayo, inta maqan uu isu keeni doono, isagoo xusay in maalin la is riix riixay ay ka weyn tahay danta iyo mustaqbalka Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *