RW Khayre oo Ka hadlay horumarka laga gaaray qorshihii deyn cafinta Dalka

Published: March 26, 2020

Raysal-Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa Muqdisho waxa uuna si faah-faahsan uga hadlay marxaladihii ay Soomaaliya soo martay ee la xiriiray dhamaystirka heshiiska dayn cafinta Soomaaliya.

Khayre waxa uu sheegay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii ay ka rabeen Hay’ada Lacagta Aduunka, Bankiga Aduunka iyo hay’adihii kale ee ay la shaqaynayeen, waxa uu xusay in haatan ay gaareen marxalada go’aan gaarista dayn cafinta.

”Safar dheer oo sahaydiisu yar tahy, shaqo adag iyo adkaysi iyo in kabada 94 shuruudood oo la xiriira dib-u-dhisaka hannannaka dhaqaalaha oo lagu guulaystay, waxaa maanta noo suura gashay in aan lasoo noqono xiriirkii aan la laheyn Hay’adaha Dhaqaalaha Dunidada” ayuu yiri Raysal-Wasaare Khayre.

Waxa uu tilmaamey in goaanka ay ku dhawaaqday hay’ada Lacagta Aduunka uu yahay guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, ”Guusha taariikhiga ah waxay tilmaamaysaa in dadka Soomaaliyeed ay kasoo bixi karaan shuruud kasta haddii ay go’aansadaan, gacmahana is qabsadaan. Si Guushan looga faa’iideeyo dadka Soomaaliyeed waa inaan sii wadnaa dib-u-habaynta, isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga” Ayuu yiri Raysal-wasaare Khayre.

https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/1670228149801042/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *