Shir Lagaga Tashanayo dhamaystirka sharciga doorashooyinka Oo Muqdisho lagu Qabtay

Published: March 26, 2020

Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarrunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow.

Kulanka uu guddiga la yeeshay guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ahaa latashiyo iyo isxog-wareysi ku aadan 4-ta xeer ee guddiga loo soo xilsaaray in ay kasoo shaqeeyaan ee kala ah.

  1. Xeerka Deegaameeynta kuraasta.
  2. Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka.

III. Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolladda Waqooyi (Soomaaliland).

  1. Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {xaliimo yareey}

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {xaliimo yareey} ayaa guddiga u soo bandhigtay talooyinkooda ku aadan xeerarka muhiimka u ah dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {Xallimo Yareey} latashiyada iyo talooyinkooda muhiimka ah ee la xarrriiro xeerarka dhamaystirka ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulankaan uu manta guddiga la yeeshay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa qeyb ka noqonayo kulamo uu guddiga la yeelanayo qeybaha kala duwan ee uu quseeyo xeerarka dhamaystirka u ah sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *