Soomaaliya oo gaartay barta go’aan qaadashada deyn cafinta

Published: March 26, 2020

Hey’adda lacagta adduunka ayaa warbixin ay soo saartay waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay hal abuurka deymaha looga cafinayo wadamada faqriga ama waxa loo yaqaano barta go’aan qaadasha dayn cafinta sida ay dawladu baahisay.

Soomaaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey’adaha maaliyadda dalka ayaa lagu yiri warbixintaan soo baxday.

“Waxa ay Soomaaliya u dhaqaaqaysaa hannaanka dhameystirka dayn cafinta oo qaadanaya sadax sano, Waxaan jeclahay in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo guusha dadaalkii sanadihii la soo dhaafay ay ku bixiyeen dib u habeynta maaliyadda oo halkaan na soo gaarsiyay” ayay tiri Agaasimaha maamulka  Hey’adda lacagta Adduunka Kristalina Georgieva

Agaasimaha Maamulka Hey’adda Lacagta adduunka ayaa intaa ku dartay in dib u habeynta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ee ay dowladdu smaeysay in ay hogaamisay kobac dhaqaale.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta “Waxaan dadaalka Soomaaliya ku bxiisay soo celinta hannaan dagan oo lagu yareeyo faqriga, dib ugu soo noqoshada nidaamka Maaliyadda caalamiga ah, waa waa mid taariikhi ah iyo horumar ay ku talaabsatay Soomaaliya ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in guusha maanta laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumarka dhaqaale ee la higsanaayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *