Tirada Dadka u Dhintay Coronavirus oo Gaadhay 21 Kun Oo Qof

Published: March 26, 2020

Tirada dadka u dhintay cudurka Coronavirus ayaa kor u dhaaftay labatan Kun oo  qof caalamka guud ahaan. Sidoo kale waxaa korortay tirada dadka uu ku dhacayo cudurku.

Wadamada Talyaaniga, Spian, Shiinaha iyo wadanka Iiraan ayaa ayaa aha dalalka uu sida ballaaran u safray cudurka, iyadoo tirada dadka ugu dhimanaya cudurka wadamadaasi ay sii kordhayso.

Wadanka Spain, tirada dadka u dhintay cudurka ayaa gaadhay 3434 qof, tiradaasi oo ka badan tirada dadka cudurka ugu dhintay wadanka Shiinaha oo ahayd halkii uu cudurku ka soo bilowday.

Wadanka Talyaaniga ayaa ah midka dadka ugu badani ay ugu dhinteen cudurka iyadoo hadda tiradu gaartay 7,500 qof, halka dadka uu cudurku saameeyay ay gaadheen 70 Kun oo qof.

Wadanka Maraykanka, tirada dadka u dhintay cudurka ayaa gaadhay 1,000 qof.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay sheegtay in Qaarada Yurub iyo Maraykanku ay xudun u noqon doonaan faafitaanka cudurka Coronavirus oo wadamada Caalamka ku khasbay inay bandow ku soo rogaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *