Deyn cafinta Soomaaliya Guul u baahan in loo dabaaldego.

Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre iyo Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva

Dowaldda Soomaaliya ayaa  gaartey mid kamid ah guulihii u waaweynaa ee muddo 30 sano ah, taas oo ah in dalku galo marxlad ka duwan tii hore oo oo ahayd mid ku dhisan deeq loo soo mariyo hay’ado caalmi ah, waxaana Soomaaliya qarka u saaran tahay inay hesho maalgelin waaweyn taas oo suurta gelineysa in dalka dib lo dhiso, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, dekadaha, garoomada, iskuulada iyo isbitaalada, waxaa Soomaaliya loo aqoonsadey in ay soo gaartey bartii deynta looga cafin lahaa ayna buuxisey dhamaan shuruudihii loo baahnaa.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo qabtey shir saxaafadeed uu ku faah-faahinayo waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay buuxisey barnaamijka deyn cafinta ayaa sheegay in guushaani la mid tahay dalka oo mar kale dib u xorooba, ka xorooba deymihii 50 sano gaarayey ee dalka lagu lahaa taas oo gaareysa $5.3 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Qorshaha deyn cafinta dalalka soo koraya waxaa ka qaybqaadanaayey 39 dal oo u badan qaarada Afrika waxa uu soo bilowdey sanadkii 1996, waxaana kamid ahaa dalalka ka faa’ideystey Qorshaha Deyn-cafinta ee loo yaqaan Highly Indebted Poor Countries Initiative, dalka Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah kuwaas oo heley dib u dhis aad u weyn 20 sano ee u danbeysey.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ahayd dal   xaq u leh in deynta laga cafiyo laakiin aan hal shardi soo buuxin si deynta looga cafiyo.

Xukuumadda Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre  ayaa dardar xoog leh gelisey qorshaha deyn cafinta, waxaana Soomaaliya lagu xiray shuruudo  ku dhaw 100 shardi in ay ka soo baxaan ka hor inta aan deynta la cafin.

Deynta lagu lee yahay Soomaaliya ayaa u qaybsan kuwo dalal shisheeye ay ku lee yihiin, kuwaas oo qaarkood horey u cafiyeen sida dalka Maraykanka oo kale iyo kuwo ay ku lee yihiin hay’ado caalami ah oo dalalka horumaray ay dhisteen sida IMF, World Bank iyo kuwo kale, hay’adaha gaarka ah ayaan deymaha cafin karin, laakiin waxay raacaan nidaam kale oo ay ku cafin karaan, sida dalalka hay’adahaas dhistey ee awooda ku leh ayaa dhigaya akoonada hay’adahaas malaayiin dollar si dalalka soo koraya deymaha looga cafin karo, dalalka lacagaha Soomaaliya ka dhigey waxaa kamid ahaa Norway iyo UK oo ku jira Paris Club.

Hay’addaha IMF iyo Baanka Adduunka ayaa isku raacey in Xukuumadda Soomaaliya ka soo baxdey shuruudihii loo baahnaa, sidaas darteedna, deynta  laga  soo dejiyey $5.2b, muddo saddex sano ah gudaheedna gebigeedaba la tirtiraayo. In Soomaaliya soo gaarto “decision point” ayaa alabaabada u furaya  in dalku helo maalgelin caalami ah, si toos ahna ula  macaamilo hay’adaha dhaqaalaha adduunka sida IMF iyo Baanka Adduunka iyo kuwo kale oo badan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu amaanaa isbeddelka weyn ee ay ku sameeyeen maaliyadda dalka, taas oo sababtey in dakhliga dalka soo gelayaa uu noqdo mid kor u kaca, oo uu yaraado musuq-maasuqo, lana bixiyo xuquuqda shaqaalaha iyo ciidanka.

Sanadkii 216 Dakhliga Dowladda ayaa ahaa 248 Milyan oo doolar, waxaana uu muddo 36 bilood ah kadib gaarey adduun ku dhaw Nus bilyan dollarka Maraykanka ah sanadkii.   Dakhliga Dowladda u soo xerooda ayaa dib loogu habeeyey si hay’adaha caalamka ee deymaha ku leh ay ku qanceen, halka markii hore xitaa ay ka qayb-qaadan jireen soo ururinta dakhliga shirkado si gaar ah loo lee yahay.  Dowladda Federaalka ayaa ka maarantey deymihii ay dib u geli jirtey si ay u maareyso kharashaadka ay dib u bixineyso.

Horseed Media oo xiriir la samaysey Sarkaal ka tirsan xafiiska Raysalwasaaraha isla markaana xubin muhim ah ka ah guddiga Soomaaliya uga shaqeynaayey Denyn cafinta Sharmaarke Maxamed Faarax ayaa u sheegay in qorshaha deyn cafintu uu yahay “Guushii Qarniga”,  taas oo ay gaartey umadda Soomaaliyeed, kadib shaqo adag oo ku dhisan karti, adkeysi iyo hufnaan ah oo  hoggaanka Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre la yimid, caalamkana tusey in Soomaaliya ay ka soo bixi karto shardi kasta oo lagu xiro, Sharmaarke ayaa sheegay in dib u dhiska dalka ay hortaagneyd Balaayinta dollar ee deynta loogu lahaa, Qorshaha  HIPC wixii ka danbeeya dalku u diyaar garoobayo dib u dhis horumar iyo koboc dhaqaale.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in shuradaha ku dhaw boqolka shardi ee lagu xiray ay kamid ahaayeen sameynta sharciyo  toban gaareya kuwaas oo ay kamid ahaayeen Sharciga, Dakhliga, Maamulka maaliyadda, Iibka Qaranka, Isgaarsiinta, Batroolka, La dagaalanka musuqa iyo qaar kale kuwaas oo dhamaantood maanta ah sharciyo dalku iska lee yahay.

Sidoo kale Dowaldda Federaalka ayaa ´ guul ka gaartey dib u habeynta ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo loo sameeyey diiwaan gelin casri ah, waxaana ay kamid ahayd shuruudaha la iska doonaayey ka hor inta aan deynta la cafin.  Raysalwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Kheyre ayaa sheegay in guusha deyn cafinta ay ka fa’iideysan doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo heshiis la geli kara maalgashadayaal caalami ah, sidoo kale Banigaya dalka ayaa si toos ah  ula tacaamuli doona Baananka adduunka.

Inkasta oo barnaamijkan mar sii horeysey bilowdey ayey dowladihii hore Soomaaliya soo mara ku adkaatey in ay buuxiyaan shuruudaha la iska doonaayo. Sababaha ugu weyn ee Xukuumadda Jamhuuriyaddu ugu guuleysatey ayaa ah, xasilooni siyaasadeed oo ay heshey, taas oo wiiqi jirtey kuwii ka horeeyey, iyo Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre oo geliyey wakhti aad u badan sidii dalka looga samatabixin lahaa deymaha la degey ee u diidey hormarka.

Horseed Media