Maraykanka oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay heerka ay ka gaartay arrimaha deyn cafinta.

Published: March 27, 2020

Donald Yamamoto Safiirka Dalada Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya , ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaadhay dedaallada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha, horumarinta Dhaqaalaha Aduunka.

Donald Yamamoto oo bartiisa xiriirka Bulshada kula hadlay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay in ay Soomaaliya ay soo gaartay heerka go’aan qaadashada ee Barnaamijka deyn cafinta.

Wuxuuna sheegay Safiirku in ay Soomaaliya yeelatay mustaqlab ifaya, isagoo intaa raaciyay in uu Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka  habaynta dhaqaalaha iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *