Nus Malyuun Qof oo uu Ku Dhacay Coronavirus

Published: March 27, 2020

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ayaa gaadhay Nus maalyuun Qof iyadoo ay sii kordhayso kiisaska cusub ee cudurka ee Wadamada Maraykanka, Talyaaniga, Spain iyo Iiraan.

Wadanka Maraykanka waxaa la diiwaangaliyay 85 kun oo kiis oo cudurka ah, Halka wadanka Shiinaha dadka uu ku dhacay cudurka ay gaarayaan 81 Kun oo qof, tirada dalka uu ku dhacay cudurku dalka Talyaaniga ayaa gaartay 80 Kun qof.

Tirada dadka u dhintay cudurka Coronavirus ayaa hadda gaardhay 24 Kun qof, dalka talyaaniga waxaa cudurka ugu dhintay dad ka badan Sideed kun oo qof, Dalka Spain waxaaa cudurka u dhintay dad ka badan afar kun oo qof.

Sidoo kale dalka Faransiiska ayaa sheegay in tirada dadka ugu dhintay cudurka coronavirus dalkaasi ay gaadhay 1700 qof, sidoo kalena ay kor u kacday tirada dadka uu ku dhacay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *