Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay Coronavirus

Published: March 27, 2020

Xafiiska Ra’isul wasaaraha UK ayaa shaaciyay in cudurka Coronavirus laga helay ra’isul Wasaare Boris Johnson kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ra’isul wasaaruhu ku sheegay inuu 24 saac ee la dhoofay isku calaamado ay ka mid yihiin Qufac qalalan iyo xaraarada jirkaygu oo aad kor ugu kacday, waxa uu sheegay inuu hadda iskarantiilay.

Ra’isul waraaruhu wuxuu kaloo sheegay in shaqada dowladda uu sii wadi doono oo uu hoggaamin doono dagaalka lagula jiro cudurka Coronavirus, isagoo shirarka iyo kulamada uga qaybqaadan doono hab maqal iyo muuqaal ah.

Markii u dambaysay ee Ra’isul wasaaraha lagu arko goob dadweyne waxay ahayd mar uu u mahadceliyay shaqaalaha Caafimaadka UK (NHS). Boris Johnson wuxuu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee laga helo cudurka Coronavirus

Wadanka Boqortooyada Uk waxaa cudurka Coronavirus ugu geeriyooday  578 qof, halka dadka laga helay cudurka ee lala tacaalayo aya gaarayaaan in ka badan 11 kun oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *