RW hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo ku xanuunsanaya cusbitaal ku yaal London.

Published: March 27, 2020

Nuur Xasan Xuseen { Nuur Cadde } Raisal-wasaarihii hore ee Dawlada Ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa la dhigay cusbitaal ku yaala Magaalada London ka dib markii uu haleelay caabuqada dunidda kusii faafaya ee Covid-19.

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Xasan ayaa sheegay in aabihiis la dhigay cusbitaal, xaalkiisu uu wanaagsan-yahay hadda, sidoo kale waxa uu sheegay in aabihiis uu qabo xanuunka loo yaqaan Sokorta, waxa uu sheegay in xaaladiisa lala tacaalayo.

Xasan Cali Khayre Raysal-wasaaraha DFS ayaa dhankiisa khadka taleefoonka kula xiriiray qoyska Nuur Cadde, waxa uu ilaah uga rajeeyay caafimaad degdeg ah, sidoo kalena waxa uu qoyska u sheegay in Dawlada Soomaaliyeed ay garab-taagantahay.

Xalay ayaa baraha-bulshada lagu baahiyay in uu geriyooday Raysa-Wasaare Nuur Cadde balse qoyska ayaa arinkaas beeniyay, Waxayna Ummada Soomaaliyeed ka codsadeen in loo duceeyo si uu cafimaad rabbi u siiyo. Nuur Cadde ayaa ahaa Raysal-Wasaarihii Dawladii KM ahayd ee uu hogaaminayay Cabdilaahi Yuusuf Axmed isagoo RW ahaa 2007-2009.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *