Shiinaha oo Xanibaad Socdaal Ku Soo Rogay Ajaaniibta

Published: March 27, 2020

Dowladda Shiinaha ayaa shalay oo khamiis ah waxay ku dhawaaqday tallaabooyin looga hortegayo in Cudurka Coronavirus uu uga yimaado dalka Dibadiisa.

Xukuumadu waxay xanibaad ku soo rogtay ajaaniibta socdaalka ku imaanaya iyo kuwo degaanaanshaha ka haysta Shiinaha, waxay kaloo hoos u dhigtay tirada duulimaadyada caalamiga ah ee dalka Imaanaya.

Xannibaadan oo bilaabanaysa caawa saqda dhexe ayaan waxaan ku jirin Dimplamaasiyiinta iyo Shaqaalaha diyaaradaha Caalamiga ah ee imaanaya dalka.

Xukuumada Shiinuh waxay sheegtay in 600 qof oo dalka dibadiisa ka yimid laga helay cudurka Coronavirus kuwasoo u badan muwadiniin u dhashay shiinaha oo dalkooda dib ugu soo laabtay

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *