Taliska Qaybta Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Khamri Tiro badan

Published: March 27, 2020

Taliska Qaybta Gobolka Bari ayaa Magaalada Boosaaso kusoo bandhigay Khmari ay ciidamadu amaanku soo qabteen kaas oo si dhuumalysi ah la rabay in loogu iibiyo Magaalada Boosaaso.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay khamrigaas, ayaa sheegay in uu ka koobanyahay cadad dhan 10,000 oo dhalo, islamarkaana la doonayay in lagu fasahaadiyo shacabka Boosaaso waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliye Xuseen Cali Maxamuud waxa u xusay in ciidamada Booliiska iyo PMPF oo iskaashanaya ay  kasoo qabteen dhalooyinkaan khamrigga ah xaafadaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso.

Taliye Xuseen ayaa xusay in khamrigaas yahay kii ugu badnaa ee abid la soo geliyo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, balse ay ciidamadu ka hor tageen in bulshada lagu fasahaadiyo Amaanka magaaladana wax loogu dhimo.

Taliska Qaybta Gobolka Bari iyo Ciidamada kala duwan ee aAmaanka ayaa mudooyinkii danbe haw-gallo kala duwan ka wadday Magaalada Boosaaso.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *