Xafiiska QM ee Somalia oo xaqiijiyay in Shaqaale Qandaraasle ah laga helay Covid-19.

Published: March 27, 2020

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa war-saxafadeed uu baahiyay waxa uu ku xaqiijiyay in Shaqaale ka mid ah qandaraaslayaasha ganacsatada ah oo ay howlgeliso Qaramada Midoobey laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).

Qandaraaslaha ayaa sideed maalmood karantiil ku jira, iyadoo khubarada caafimaadka ay la socdeen xaaladiisa, si ay u xakameeyaan inuu xiriir la sameeyo dad kale, waxay tilmaameen in ugu danbayn cudurkaan la xaqiijiyay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si dhab ah u qaadatay cudurkan oo adduunka oo dhan si safmar ugu faafay, waxaana todobaadyadii u dambeeyay ay diyaarisay hawlgal looga hortagayo cudurkan, daawooyin caafimaad iyo taageero kala duwan.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in iyada kaashaneysa Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shaqeyneysa sidii loo niyaarin lahaa nidaamyada caafimaadka ee dalka, si loo xakameeyo, loona yareeyo in cudurkan uu ku faafo Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *