Dfs oo Dalbatay Mishiinada Lagu Baaro Coronavirus

Published: March 28, 2020

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa sheegtay inay dalka dibadiisa ka dalbadeen Saddex Mishiin oo lagu baaro cudurka Coronavirus

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Mishiinadaasi ay dalka soo gaari doonaan labo iyo saddex toddobaad gudihiisa.

Wasiiradu waxay kaloo sheegtay in tababaro la siin doono shaqaalaha ka shaqayn doono shaybaarka iyo mishiinada lagu baaro cudurka coronavirus.Baaritaanada kiisaska Coronavirus ayaa baaritaanadooda waxaa loo dira wadanka Kenya si loogu soo baaro.

Ilaa saddex Kiis oo cudurka ah ayaa laga helay Somaliya, iyadoo kiiskii u dambeeyay laga helay qof ajnebi ah oo u shaqeeya xafiiska qaramada midoobay ee Muqdisho.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *