Dowlada Federaalka Oo Joojisay Duulimaadyada Gudaha Dalka u kala Safra

Published: March 28, 2020

Dowladda federaalka Somaliya ayaa joojinaysa duulimaadyada gudaha dalka u kala safra si looga hortego faafitaanka cudurka coronavirus ee Caalamka saameeyay.

Go’aanka lagu joojinayo diyaaradaha u kala safra dalka gudihiisa ayaa la filayaa inuu dhaqangalo maalinta Axad ah ee taariikhdub ku beegan tahay 29 Maarso 2019ka.

Diyaarado sida rakaab kala duwan ayaa dalka gudihiisa u kala safra Maalin walba, gaar ahaan duulimaadyada isku xiraa caasimadda Muqdisho iyo goboladda koonfureed ee dalka.

Dowladda Federaalku waxay hore u joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray dalka dibadiisa, inkastoo weli ay qaybo ka mid ah dalka timaado diyaarada Itoobiyan Airways.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *