Fariin La Xiriirta Cudurka Corona oo Madaxweyne Deni u Diray Shacabka Puntland

Published: March 28, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka hadlay caabuqa Corono Virus ee dunida ku faafay ayaa sheegay in Puntland ay qaaday tallaabooyin looga hortagayo cudurku inuu faafo.

Madaxweyne Deni “Cudurka ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo”

Madaxweynuhu wuxuu Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland ugu baaqay inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha  Puntland inta suurto galka ah.

“Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.”ayuu yiri madaxweyne Deni.

Dowladda Puntland ayaa karantiishay lix qof oo looga shakiyay inay qabaan cudurka Coronavirus, dadka oo isugu jira Ajaaniib iyo Somaliya ayaa iskood u codsaday in la karantiilo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *