Go’aankii Lagu Joojiyay Qaadka oo Maanta ka Dhaqangalaya Puntland

Published: March 28, 2020

Taliska booliiska Puntland ayaa sheegay in maanta dhaqangalinayaan amarkii ka soo baxay dowladda ee ahaa in gebi ahaanba la joojiyay keenista qaadka ee Puntland in Muddo ah.

Taliyaha Booliska puntland Gen Muxiyadiin Ahmed Muuse ayaa amar ku bixiyay galabta Wixii ka danbeeya in aan qaad la keeni karin degaanada Puntland.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoowe wuxuu ku sheegay in ciidamadu ay amar ku qabaan inay xiraan oo xabsiga u taxaabaan qofkii lagu qabto isagoo qaad soo galinaya dalka, sidoo kale la gubi doono qaadka la qabto.

Taliyaha Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse

wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa go’aano ay soo saartay shalay waxay ku sheegtay in muddo la joojiyay keenista qaadka ee Puntland si looga hortego faafitaanka Cudurka Coronavirus

“Waxaa la farayaa dhammaan ciidamada amniga, maamulada gobolada iyo degmooyinka Puntland in ilaa iyo amar dambe qabtaan wixii qaad ah ee la soo geliyo gudaha Puntland, tallaabo sharci ahna laga qaado cidii lagu qabto iyadoo qaad soo gelinaysa Puntladn” Sidaas waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland

Dowladda Federaalka ayaa hore u joojisay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Wadanka Kenya, hase yeeshee Qaadka ayaa sidoo kale yimaada dalka Itoobiya iyadoo la soo mariyo xuduudahau dhexeeya Somaliya iyo Itoobiya iyo xuduudaha u dhexeeya maamulada Puntland, Somaliland iyo Galmudug.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *