Puntland oo maanta xiraysa Xuduudaheeda Cabsi laga qabo Cudurka Faafaya ee Covid-19.

Published: March 28, 2020

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa war-saxafadeed ay soo saartay waxa sheegtay in si rasmi ah loo xiri doono xuduudaha ay la wadaagto Somaliland iyo Ethopia cabsi laga qabo faafida cudurka Covid-19 dartiis oo fara-ba’an ku haya caalamka.

Amarkaan ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay caawa saacada Soomaaliya marka ay tahay 6:00PM , Sisoo kale waxaa guud ahaa la joojiyay imaanshaha qaadka kasoo gala guud ahaan Xuduudaha Wadanka.

Amarkaan ayaa qaban-doona cidkasta oo xuduuda soo gudubta marka laga reebo Ardayda ka imaanaya Jaamaacda Itoobiya ee la fasaxay iyo waxyaabaha daruuriga ah ee dawlada ay fasaxayso.

Puntland waxay sidoo kale joojisay guud ahaan badeecadaha Jumlada ah ee deegaanada Puntland ka baxaya waxaan aganacsatada la faraxay in ay xoojiyaan kaydka Cunada ee Shacabka Reer Puntland ay u baahan-yihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *