Somaliland Oo Sheegtay in Aan Waxba Laga Waydiin Barnaamijka Deyn Cafinta

Published: March 28, 2020

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga hadlay go’aanka baanka Adduunka iyo Hay’adda IMF ay deynta kaga cafiyeen Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargaysa ayaa si wada-jir ah u sheegay in go’aanka uu Baanka adduunku iyo IMF deynta kaga cafiyeeen Soomaaliya aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas, islamarkaana la duudsiiyay xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,

” Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay.” ayuu yiri Muuse Biixi

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa Villa Soomaaliya qabsaday. markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxannu leenahay Somaliland wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in waxayaga saami naloo siiyo ayey ahayd.”

Guddoomiye xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu baanka adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland oo ah sidii dal u madax-bannaan arrimihiisa masiiriga ah, waxana uu yidhi,

“Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.”

Dhinaca kale, madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi-mucaarid waxa ay bulshada reer Somaliland si wada jir ah ugu direen farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.

Sidoo kale, Masuuliyiintu waxa ay ka dareen celiyeen diidmadii ay maanta golaha wakiilladu kala hortageen labadii xubnood ee ay axsaabta mucaaridku usoo magacaabeen komishanka doorashooyinka qaranka, waxana ay sheegeen inay tallaabadaasi ahayd mid aan loo fadhiyin oo lama filaan noqotay.

https://www.facebook.com/WarbaahintaMadaxtooyadaJSL/videos/210358856850768/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *