Wasaaradda Waxbarashada DFS oo la wareegeysa Dugsigii 15 May ee Masaarida maamulayeen.

Published: March 28, 2020

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digreeto uu soo saaray wasiiru-dawlaha Waxbarashada ayaa lagu sheegay in Dugsiga 15 May oo ay maamuleysay Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in la isku afgartay inuu dhaqan galo la wareegida Dugsigaas 20 April 2020.

Dugsigga ayay Dawladu sheegtay in laga dhigi doono Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya si faahfahsan uma sharaxin sababta waqtigaan keentay la wareegista Dugsigaan maadama uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Dalalka Masar iyo Ethopia, Soomaaliyana ay go’aan dhex-dhexaad ah ka qaadatay.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *