DFS iyo Dawlada Maraykanka oo is-kaashanaya oo duqaymo ka gaystay Gobolka Baay.

Published: March 29, 2020

Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa war saxaafadeed ay soo saaray waxaa uu lagu faah faahiyay duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Baay

27-kii bishan Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Buula-Fuulaay oo ka tirsan Gobolka Baay. Duqeynta ayaa lala beegsaday labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in aanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday duqeyntaas balse ay ku dhinteen labadii qof ee bartil-maameedka ahaa.

Dhanka Kale Ururka Alshabaab ayaa sheegay in duqayntaas ay ku dhinteen dad shacab ah waxayna tilmaameen in cid iyagga ka tirsan aysan wax ku noqon, Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarumo Al-Shabaab lahaayeen, laguna dilay labo xubnood.

Dawlada Maraykanka oo kaashanaysa Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulada Dalka ayaa sanadkii lasoo dhaafay xoojisay duqaymaha ay ka gaysanayso goobaha uu Ururka Alshabaab kaga sugan-yahay Soomaaliya.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *