Jubaland oo ku eedaysay DFS in ay fursad u samaynayso Ururka Alshabaab.

Published: March 29, 2020

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland oo waraysi gaar ah siinayay Warbaahinta ayaa si faahfaahsan u sharaxay xaalada guud ee Jubaland, Khilaafka u dhaxeeyay DFS iyo Maamulka Jubaland, la dagaalanka Ururka Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac ay fursad ka heshay Al-Shabaab oo ku sii fidaysa degaanno ka tirsan gobolka Gedo maadaaama ciidamadii Shabaab la diriri lahaa ay dhexdooda Colaad ka abuurtay DFS sida uu hadalka uu dhigay.

“ Gobolka Gedo Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysan sugneen Al-Shabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Maxamuud Sayid Aaadan waxa uu xusay in dowlad goboleedka Jubaland aysan gacanta ku hayn degmooyinka gobolkaas Gedo balse ay xoog kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta iyo kala furfurka ay ku waddo dowlad goboleedka Jubaland si aan fursad kale loo siin Al-shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *