Madaxa Hay’ada WHO oo Laga Codsaday Inuu Iscasilo

Published: March 29, 2020

Dowlada Japan ayaa ku eedaysay Madaxweynaha Hay’ada caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus inuu ku fashilmay maaraynta dhibaatada Cudurka Coronavirus (Covid-19)

epa06747281 Tedros Adhanom Ghebreyesus, director general of the World Health Organization (WHO), attends a press conference at the European headquarters of the United Nations in Geneva, Switzerland, 18 May 2018. The WHO Director-General answered questions ahead of the World Health Assembly and following the meeting of an International Health Regulations Emergency Committee on Ebola in the Democratic Republic of the Congo. EPA-EFE/VALENTIN FLAURAUD

Ku-xigeenka Ra’isul wasaaraha Japan Taro Asoso oo la hadlay barlamaanka Dalkaasi ayaa sheegay in qiimaynta WHO ee faafitaana cudurka Coronavirus aysan ahayn mid ku filan.

Wuxuu sheegay in Lix boqol kun oo qof ay saxiixeen Codsi lagaga dalbanaya madaxa hay’adda WHO inuu iscasilo. Madaxa Hay’adda WHO ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Ethiopia.

Dad ka badan 30 Kun oo qof ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus oo bishii December ee sanadkii hore ka dilaacay Dalkaasi Shiinaha ka dibna ku faafay 177 wadan oo caalamka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *