Puntland oo Ka Hadashay Qof La Sheegay inuu u Dhintay Coronavirus

Published: March 29, 2020

Dowladda Puntland ayaa sheegtay ilaa iyo hadda aysan Puntland ka jirin kiisas la xiriira Cudurka Coronavirus (COVID-19).

Warsaxafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in degaamadda Puntland uusan ka jirin cudurka Coronavirus ilaa iyadda, waxayna ka digtay warar ay sheegtay inay been abuur yihiin oo bulshada lagu dhex faafinayo

“Dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa looga digayaa inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Wasaarada caafimaadka Puntland waxay ay dadweynaha Puntland ugu baaqday inay xogta ku saabsan cudurka Coronavirus ay ka qaataan illaha munaasibka ah sida Wasaarada Caafimaadka oo kale.

Warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada ayaa lagu faafiyay in mid ka mid ah lix qof oo la karantiilay loo malaynayo inuu y dhintay Cudurka Coronavirus.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa xaqiijisay in saddex qof laga helay Cudurka Coronvirus, saddex qof oo mid ka mid uu yahay shaqaale u shaqaynayay Qaramada Midoobaay ayaa ku sugan Muqdisho.

https://www.facebook.com/ministryOfHealthPuntlamd/posts/2630740173

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *