Sarkaal Laanta Canshuuraha Ka Tirsanaa oo Bosaso Lagu Dilay

Published: March 29, 2020

Koox Hubaysan ayaa Bartamaha magaaladda Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ku Dilay Sarkaal ka howlgalyay laanta cashuuraha ee Wasaaradda maaliyadda Puntland.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Caynab Maxamed Dunge, kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka cararay kadib markii ay dilka gaysteen. Waa Sarkaalkii Labaad oo u shaqaynayay wasaaradda maaliyadda Puntland oo lagu dilo magaaladda Bosaso bishan Maarso.

Dowladda Puntland weli kama hadlin dilka Sarkaalkan, sidoo kale ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen dilka.

Ururka Daacish oo ka howlgala Buuraha gobolka Bari ayaa sheegtay masuuliyada dilka Saleebaan Axmed Shire oo ka tirsanaa qaybta Miisaaniyada ee Wasaaradda maaliyada oo horaantii bishan lagu dilay Bosaso.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *