Xerada Xalane ee Muqdisho oo Xanibaad Lagu Soo Rogay

Published: March 29, 2020

Bayaan ka soo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in xanibay dhaqadhaqaaqa Xerada Milateriga Xalane ee Magaaladda Muqdisho, cudurka coronavirus awadii

Amisom waxay sheegtay in muddo 30 Maalmood ay xayiraadu socondoontoo, iyadoo la xadiday gelintaanka iyo ka bixitaanka xerada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Xayiraada oo bilaabanaysaa maanta oo Axad ah ayaa lagu joojiyay howlihii ka socday xerada sida dhismayaashii, Hoteeladii iyo bararkii ka furnaa xerada iyo howlihii kale ee Ganacsi ee ka socday xerada

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay qof u shaqaynayay laga helay Cudurka coronavirus, kiiskaas oo noqday kii saddexaad ee laga helo Somaliya.

Xerada Milateriga Xalane ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa degan ciidamada Amisom ee Somaliya, Ciidamo kala duwan oo ka socdo wadamada Somaliya caawiya, Hay’addaha Qaramada Midoobay qaarkood, safiirada wadamada Caalamku u soo dirsadeen Muqdisho qaarkood iyo Hay’ado kale.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *