Deegaanada Puntland oo Bandow lagu soo rogay Cudurka Covid-19 dartiis.

Published: March 30, 2020

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowladda Puntland oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay kulan la qaatay guddiga Amniga iyo guddiga qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus, Shirka ka dib war-saxafadeed soo baxay ayaa lagu sheegay in lagu balaariyaya Gudigii ka hortaga Cudurka dunida kusii faafaya ee Covid-19.

Shirkaa waxa sidoo kale lagu go’aamiyay in dhammaan magaalooyinka Puntland lagu soo rogo bandow, si looga fogaado faafidda cudurkaas, sidoo kale waxaa lagu amray ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF, in ay ka hawlgalaan in aysan magaalooyinka ku teedsan xeebaha ee Puntland soo gelin doonyaha kalluumaysiga shisheeye, si looga digtoonaado xanuunka COVID-19.

Puntland sidoo kale waxay xaddiday dhammaan goobaha dadweynuhu isu’gu yimaadaan sida goobaha ciyaaraha, maqaaxiyaha laga shaaheeyo iyo goobaha cibaadada, maadaama goobahaas oo kale cudurku si dhakhso ah ugu faafo.

Dadweynaha ayaa dhankooda loogu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda iyo talooyinka caafimaad ee ay bixinayaan hay’adaha qaabilsan caafimaadka, islamarkaana guryahooda ku sugnaadaan mudada bandowgaas la soo rogay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *