Dowlada Soomaaliya oo amartay in la xiro Dugsiyada lagu barto Qur’aanka.

Published: March 31, 2020

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saartay go’aamo lagu xirayo goobaha barashada Diinta, dugsiyada iyo Mowlacyada , islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la xirayo Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka si looga hortago Cudurka COVID 19.

“Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,”ayuu yiri Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *