Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay.

Published: March 31, 2020

Cali Maxamed Caraale Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoo ku tilmaamay nin qol ku xiran oo maskaxiyan aan xor aheyn.

Caraale oo Shir jaraaid ku qabtay Magaalada Baladwayne ayaa sheegay in uu isagga yahay gudoomiyaha saxda ah, Sidoo kale waxa uu tilmaamey in la galay waqti doorasho madaxweynuhuna uu qorshaaan uga danleeyahay olole doorasho,.

“Xil ka qaadista waa mid aan sharci aheyn, qofna xil looma dhiibi karo qofna lagama qaadi karo, waayo doorasho ayaa loo socdaa, lix bilood qof muddo xileedkiisa u dhiman xil igama qaadi karo”ayuu yiri Cali Caraale.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uusan laheyn awood uu waxku fuliyo, waqtigiisa ka dhamaaday, isla markaana uu nin fashilmay oo qol ku xiran uu yahay oo hadba wuxuu rabo sameeya.

“Waare waa nin aan isku kalsooneyn, madaxda wax bed-bedesha waa madax aan isku kalsooneyn, mar kasta wuu qalqalaa marka uu qof keeno, xasiloonida ayaa ka luntay, waa nin qol ku xiran waxba ka ogeyn waxa socda” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *