Musharixiinta Gudoonka Golaha Baarlamaanka KGS oo maanta khudbadahooda Jeedinaya.

Published: March 31, 2020

Baarlamaanka Labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dhagaysanaya Khudbadaha ay soo jeedinayaan muhsraxiinta u taagan xilka gudoonka Barlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xilka guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee maamulka Koofur galbeed waxaa u taagan laba Xildhibaan oo kala ah Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Dr. Cali Saciid Faqi oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa u tartamaya Xildhibaanada kala ah Aamina Isaaq Maxamed iyo Maxamed Nuur Maxamed Macalin, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ay u tartamayso oo  kaliya Xildhibaan Shamso Maxamed Yarow. Doorashada ayaa waxaa la Filayaa  in ay dhacdo Arbacada berriya oo ku beegan 1-da April 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *