Dalalka ku bahoobay Paris Club oo Soomaaliya ka cafiyay 1.4 bilyan oo dollar.

Published: April 1, 2020

Masuuliyiin ka socday Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa yeeshay kulan 10 saacadood qaatay kaas oo lagu xiriirayay Habka loo yaqaan { Vedio Conference } labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.

Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ugu horeyn boggaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah, dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo losoo gaabiyo (HIPC).

War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay bahwadaagta Paris Club in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanaka ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beeyle ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay dalalka ku bahoobay Naadiga Pris ay qeyb deyntooda uga cafiyeen Soomaaliya

“Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa kusoo aaday todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *