Doorashada Ethiopia oo dib loogu dhigey sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Published: April 1, 2020

Guddiga Doorashada Qaran ee dalka Ethiopia ayaa ku dhowaaqay maalinimadii shalayto in uu joojinayo howlihii u diyaargarowga qabashada doorashooyinka Guud ee Dalka Ethiopia oo la qorsheynayay inay dhacdo bisha August ee sanadkan.

Gudigga ayaa arinkaan u cuskaday Arimaha la xiriira Caabuqa dunidda kusii fidiya ee loo yaqaan Carona-Virus Ama Covid-19, Dowlada iyo Ururada Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay warkaan ka soo baxay guddiga doorashada, iyadoo xilliga dowlada hadda haysa taladana ay ka dhiman tahay dhowr bilood.

Waxaa lagu waddaa in mudo kordhin loo sameeyo Dawlada uu hogaamiyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *