Madax ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Masuuliyiin ka socda HSJ Soomaaliya oo Qardho ku kulmay.

Published: April 1, 2020

Agaasime guud ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Maaliyada Puntland Keenadiid Cali Jaamac oo uu weheliyo Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Ciise ayaa la kulmay Madaxda sare oo ka tirsan Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada- hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta laba dhinac. Waxaa laysla lafa-guray sidii xafiiska Passportka Gobolka karkaar dib uhabayn loogu samayn lahaa. Waxaa kale oo laga wada-hadlay in ajaanibta Puntland joogta la ogaado tiradooda, sharcina loo sameeyo si amaanka Puntland kor-loogu qaado iyo sidii wada shaqayn guud laamaha socdaalka iyo Wasaarada maaliyada Puntland ay u dhex-mari lahayd.

Agaasime ku xigeenka guud Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Cabdilaahi xaaji Basheer, Agaasime Xigeenka Socdaalka Puntland Cabdilaahi Maxamed Axmed Dhagadheere Iyo Madaxa Dabagalka Ajaanibta Cabdiqaadir Maxamed Cawe ayaa dhankooda xusay in ay diyaar u yihiin xoojinta wada-shaqaynta ay Dawlada la leeyihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *